Autisim-ka

Adeegeena Ilmaha hadalka ka soo daaho ama looga shakiyo inuu qabo xaaladda loo yaqaan Awtiisimka (Autisim).


Our service supports parents whose children have delayed speech or show signs of autism.

Soo dhawoow. waxaan si dhow oo saamayn leh wax kaala qaban doonaa ilmahaaga looga shakiyey awtiisimka ama hadalku ka soo daahay.


Welcome. We will work closely and effectively with you to support your child who is suspected of having autism or who has delayed speech.

  • Awtiisinka (Autism) ma aha cudur, waa xaalad ku timaadda siyaabo kala duwan. Inta badan carruurta Soomaalida waxaa saameeya arrimo la xiriira barbaarinta, sida in ilmaha yar aan lala hadlin oo hadalka aan loo barin, ama in uu waqtigiisa badan ku bixiyo daawashada muuqaallo. Tani waxay ka hor istaagi kartaa ilmaha inuu barto hadal iyo xirfado kale oo muhiim ah. Waxaan haynaa barnaamij kaa caawinaya inaad ilmahaaga si habboon ula shaqeyso oo xaaladdan wax looga qabto.
  • Waa muhiim inaad balan qabsato oo nala soo xiriirto si aan u qiimeyno xaaladda ilmahaaga iyo waxa uu soo maray. Markaas ayaa kuu sheegi karnaa waxa aan kuu qaban karno iyo sida aan kuu caawin karno. Ha ka baqin inaad nala soo xiriirto—gacmo furan iyo laab furan ayaad kugu soo dhawayn doonaa.

  • Autism is not a disease; it is a condition that can manifest in many different ways. In many Somali children, it may be influenced by upbringing factors such as not speaking to the child enough, not teaching them speech, or giving excessive screen time, which can interfere with the development of essential skills. We offer a program to help you work effectively with your child and support their progress.

  • You need to schedule an appointment and contact us so we can assess your child’s situation and understand their history. Then we can explain how we can help. Don’t hesitate to reach out — you will be welcomed with open hands and an open heart.

Shacni Muuse Siciid

Waxaan si gaar ah u qaabilsanahay oo casharo siiyaa waalidiinta haysta ilmo hadalku uu ka soo daahay ama lagu sheegay oo looga shakiyey inuu haysto xaaladda Autisim-ka.

Waalidiinta waxaan siiyaa koorsooyin toos ah. Insha Allahna waxaan kuu balan qaadayaa aniga oo kaashanaya Ustaad Muuse in aan ilmahaaga xaaladdaas dhibka badan kaala saaro. Walaal akhri dhammaan qoraaladda boggaan ka dib markaas raac talaabooyinka hoos ku qoran. Mahadsanid.



I specifically work with and provide lessons to parents who have children with delayed speech or who are suspected of having autism.

I offer parents live courses. God willing, I promise that, together with Ustaad Muuse, we will help you address this challenging condition for your child. Please read all the content on this page first, then follow the steps outlined below. Thank you.

Dadaal, Dulqaad iyo Allaah oo aan Talo-saarano:

Haddii aad dadaasho Ilaahna talo saarato, wax kasta waad hagaajin kartaa, xaalad kasta oo adagna dulqaad, dadaal iyo duco ayaa looga bixi karaa. Anaga sina kuuma hagran doono. garabkaana ayaan nahay.
-Shacni-

XAALADDA ILMAHA:
Xaaladda ilmaha marka la qiimeeyo waxay noqon kartaa labo: In ilmaha uu yar yahay oo da’diisa ay ka hoosayso 4 sano, markaas wax baa wali laga qaban karaa, caruur badana waa laga gaari karaa.

Haddiise uu ilmaha ka weyn yahay 5 sano wakhti dheer ayeey qaadan in lala tacaalo oo xaaladdan laga saaro.

Tii ay doontaba ha ahaateen marka hore nala soo xiriir, si aan qiimayn u samayno. Iskuna day inaad fahamto labada xaaladood ee da’da ku xiran tan uu ilmahaaga markaas ku jiro: Xaalad fudud ama dhexe iyo Xaalad adag oo culus.

Child’s Condition:
When assessing a child’s condition, it can fall into two categories:

If the child is young, under 4 years old, there is still much that can be done, and most children can make significant progress.

If the child is older than 5 years, it will take more time and effort to address and improve this condition.

In any case, first contact us so we can conduct an assessment. Try to understand which of these two age-related situations your child is currently in: a mild or moderate condition, or a severe and complex condition.

Xaalad Fudud ama Dhexe

Nooca fudud ama dhexe waxaan ka eegnaa badanaa da’da uu ilmuhu ku jiro, ilmaha horay yaraanta laga ogaado oo isla markaba ay waalidka fahmaan in wax khadan yihiin oo ilmaha luuqaddu ku adag tahay ama garanayaan inay sababtay daawashada badan ee Tiifiiga ama taleefanka way fududahay inaan xaaladdan ka saarno. Wakhti yar ayaana natiijo wanaagsan ku gaari karnaa, mudo Afar bilood ah waxaad dareemi doontaa isbadal weyn. Waxaa macquul ah sida aan ilmo badan ku aragnay inaan helno natiijo wanaagsan.

 

Mild or Moderate Condition

 

For mild or moderate cases, we usually consider the child’s age. If the issue is noticed early and the parents immediately understand that the child is struggling with language—often due to excessive screen time from TV or phones—it is easier to address this condition. Significant improvement can be achieved in a short time, and within four months, you may notice substantial changes. Based on our experience with many children, it is very likely to see positive results.

Xaalad Adag ama Culus

Xaaladda adag waa mid ilmaha da’diisu ay weynaatay oo uu ka baxay marxaladdii kowaad ee koriimada, taas oo ah todobada sano ee hore. Ilmaha waa ilmo mudo dheer ilaa yaraantiisi daawanayey muuqaalo, oo gebi ahaanba is xiray, kuna dhex nool duni kalo, oo aan xataa dadka wajigoodi eegi karin. Xaaladdan waxaan kaa siinaynaa talooyin wanaagsan iyo sidii aad ilmaha noloshiisa iyo taada u fududayn lahayd. Waxaana loo baahan yahay wakhti dheer oo shaqo ah iyo dulqaad.

 

Severe or Complex Condition

 

A severe condition occurs when the child is older and has passed the early developmental stage, which is the first seven years of life. The child may have spent a long time watching screens since a young age, becoming completely withdrawn and living in their own world, unable to even make eye contact with others. For this condition, we provide guidance on how to improve the child’s life and make daily life easier for both the child and the family. It requires a long-term commitment, consistent effort, and a great deal of patience.

Saddexdan talaabo samee, si aad noola soo xiriirto:

Follow these three steps to get in touch with us:

Marka kowaad, si dagan u fariiso oo ka fakar noloshii ilmahaaga oo dhan, ilaa iyo markii aad uurkiisa lahayd. Waa in aad awood u lee dahay inaad ka warami karto wax kasta oo mudadaas dhacay. Qaado qalin iyo warqad oo samee xusuus qor kooban oo aad u qoraysa wixii aad ku fakartay. Muhiimadda waa inaad xog dhammaystiran na siin karto. Waa in aad ka warami karto nolosha ilmahaaga biloow ilaa hadda wuxuu ku sugan yahay.

First, sit calmly and reflect on your child’s entire life, starting from when you were pregnant. You should be able to describe everything that has happened during that time. Take a pen and paper and make a brief record of your observations and thoughts. The important thing is to provide us with complete information. You should be able to explain your child’s life from the beginning up to their current situation.

 

 

 

 

Talaabada labaad waa inaad soo buuxbuuxiso foomka hoos yaal oo dhammaan su’aalaha ku qoran ka soo jawaabto. Hubina inaad foomka soo dirto oo uu kaa soo baxo. Intaas marka aad samayso, ka dib ayaad balan qabsan kartaa oo khadka taleefanka nagula hadli kartaa. Markaas ayaan ku siinayna jawaabta iyo waxa loo baahan yahay inaad samayso si ilmahaaga aad xaaladda ugala tacaasho. Fadlan riix foormka hoose, oo soo buuxbuuxi, ka dib ku soo noqo bogaan, oo inta kuu haratay akhri.

 

The second step is to fill out the form below and answer all the questions completely. Make sure to submit the form and confirm that it has been sent successfully. Once this is done, you can schedule a phone consultation with us. During the call, we will provide you with guidance and explain what needs to be done to help your child manage their condition. Please click the form below and fill it out. After submitting, return to this page and read the remaining information.

Marka aad balanta qabso oo la gaaro wakhtigaagi anaga ayaa ku soo wacayna, waase inaad u sii diyaargaroowdo balanta oo aad joogto meel aan buuq lahayn oo aad si dagan u hadli karto. Taleefanka ayaan kugu siin doona dhammaan xogta aan ka fahamnay arinta ilmahaaga iyo markaas ka dib wixii la yeeli lahaa. Tan kale waxaan kugula talinaynaa inaad akhrido dhammaan macluumaadka iyo qoraalka boggaan ku qoran.

Once your appointment is scheduled and the time arrives, we will call you. You should prepare for the consultation by being in a quiet place where you can speak calmly. During the call, we will share all the information we have gathered about your child’s situation and explain the steps that need to be taken. We also recommend that you read all the information and content provided on this page.

 

 

 

Daawo Muuqaalka si aad uga bogato oo u fahamto xaaladda loo yaqaan Awtiisinka ee soomaalideena badanaa ilmahoodu lagu sheego FG: Ha Ilaawin inaad Foomka Hoos yaal soo Buuxbuuxiso..

Watch the video to learn about and better understand autism, a condition that is commonly observed in many Somali children. Don’t forget to fill out the form below..



Calaamadaha aad ku garanayso in ilmahaaga uu qabo xaaladda Autisim-ka Soomaalida:

Signs that indicate your child may have autism:

Haddii aad u baahan tahay Adeegeena ilmaha Awtiisinka looga shakiyo, xaaladdaadana degdeg tahay ha ka xishoon inaad na soo wacdo:

If you need our services for a child suspected of having autism, and your situation is urgent, do not hesitate to call us:

 

 

Riix Foomkan Buluugga ah si aad u Buuxbuuxiso Foomkeena Xaaladda ilmaha Awtisimka looga shakiyo: