Marka waalidiintu arkaan carruurtooda oo ku dhiban sidii ay u hagaajin lahaayeen qol qasan
ama ay diidan yihiin inay ka caawiyaan weel dhaqidda, way fududahay inay waalidka is yiraahdaan
“iska samee adigaaba ka dhakhso badan.” Laakiin maxaa dhacaya haddii shaqooyinka guriga ee
maalinlaha ah ay dhab ahaantii yihiin aalado awood leh oo lagu kori karo carruur masuul ah oo guuleysta? Daraasado socday tobannaan sano ayaa muujiyay xaqiiqo yaab leh: carruurta ka qayb qaata shaqooyinka guriga
ee u dhiganta da’dooda isla markaana door ka qaata caawinta qoyskooda, waxay horumariyaan oo yeeshaan
sifooyin hogaamineed oo maskaxeed oo aad u wanaagsan, waxay gaaraan guulo waxbarasho iyo shaqo oo sarreeya,
waxayna yeeshaan xiriirro iyo guur guul leh oo caddaalad ku dhisan marka ay qaangaaraan. Tani ma aha kaliya mala-awaal — waa natiijo cilmiyeed oo la hubo oo ka timid daraasado la socday
in ka badan afartan sano. Daraasadahaas ayaa caddeeyay in carruurta lagu baro shaqada guriga
ay gacan ka geysan doonaan hadhow bulshada dhexdeeda, taas oo ay sal u tahay masuuliyad-dareemid,
dadaal, iyo shaqo iskaashi ku dhisan. Arintani ma aha in kaliya ilmaha helayo sifooyin wanaagsan—
ee waxay si toos ah u saameeynayaan natiijooyinka nolosha, laga bilaabo inta uu ilmaha yahay
ilaa marka uu guursado mustaqbalka.
When parents watch their children struggle with a messy room or resist helping with dishes,
it’s easy to think it would be faster to just do it themselves. But what if those everyday
household tasks were actually powerful tools for raising successful, well-adjusted adults?
Decades of research reveal a surprising truth: children who participate in age-appropriate
household chores and contribute to their broader communities develop significantly enhanced
executive functioning skills, achieve greater academic and career success, and form more equitable,
successful partnerships in adulthood.
This is not just a hunch—we’re talking about over four decades of longitudinal studies revealing
that early chore participation, combined with community contribution, lays the groundwork for responsibility,
a strong work ethic, and collaborative skills. These are not just feel-good qualities; they translate
into measurable life outcomes, impacting everything from your child’s grades to their future partnerships.
Watch this video to see the benefits of this course and the insights of teaching children to do household chores:
Maanta Bilow Koorsadeena
Barnaamijkan is-Dabir ilmaha kow naftiisa ayaad bari sidii uu dabiri lahaa, sida nadaafada jirkiisa, caddayga, qubaysa, fara-dhaqashada iwlm.
in the Is-Dabir program, the first step is teaching the child self-care — how to take care of their personal hygiene, such as brushing teeth, bathing, washing hands, and similar daily routines.
Sidaa u bari lahayd nadaafadda qolkiisa, sariirtiisa, miiskiisa, weelkiisa iyo wixii kale oo la mid ah.
Teach them how to maintain the cleanliness of their room, bed, desk, dishes, and other similar items.
Waa muhiim inaan barno ka qayb qaadashada shaqada qoyska, sida inuu dadka kale wax u qabto oo caawiyo waalidka iyo walaalihiisa kale.
It is important to teach children to participate in family tasks, such as helping others and assisting their parents and siblings.

Hooyo ilmaheeda baraysa caddayga iyo sida la isu dabiro. Guriga waxay uga dhigtay mid uu gaari karo halka uu u baahdo, si uusan ugu baahanayn mar kasta iyada.
A mother teaching her child cleanliness and self-discipline. She has organized the house in a way that allows the child to reach what he needs, so he doesn't have to depend on her all the time.

Gabar yar oo afar sano jir ah oo qolkeeda hagaajinaysa. Ilmaha marka nidaamka la baro, wuxuu jecel yahay inuu nidaamkaas mar kasta ku socdo oo ku taagnaado, mana aqbalo qaab-darada.
A four-year-old girl organizing her room. When a child is taught order and structure, they grow to love following and maintaining that routine — and they do not accept disorder.

Marakan wiilka iyo gabadha walaalaha ah waxay caawinayaan oo adeegayaan waalidkood. Ilmaha marka la baro in isaguba uu wax tar yahay oo waalidka caawin karo, si caadi ahayn ayuu ugu farxaa uguna istareexaa.
This time, the boy and girl, who are siblings, are helping and serving their parents. When a child is taught that they are also useful and can help their parents, they feel extraordinary happiness and comfort.
Koorsadan sanad kasta waxaan qabanaa laba jeer. Waxayna socotaa halkii marba sadex bilood oo aad qaadanayso casharo gaaraya ilaa 60 cashar. Bar ilmahaaga yar is-dabirka, si aad u nasato, isna u noqdo qof isku filan oo nolosha wajihi kara. Koorsadan waxaa loogu talo-galay ilmaha u dhexeeya 4 Bilood -6 sano. Qiimaha hoos ayuu ku qoran yahay.
We offer this course twice every year. Each session lasts three months, during which you will take up to 60 lessons. Teach your young child self-discipline so you can relax while they become a self-sufficient individual capable of facing life. This course is designed for children aged 4 Months –6 years. The price is listed below.
In aan carruurta marka ay yaryar yihiin 2–6 sano jirka barno is-dabirka, ama isku filaanshaha. Taas oo aan u barayno talaabo-talaabo iyo qaab nidaamsan. Waxaa baaris-cilmiyeed lagu ogaaday in ilmaha yaraanta ku soo barta is-dabirka uu ka wanaagsan yahay marka uu weynaado kan aan la soo barin oo shaqada guriga ka qayb qaadan. Waxaa si aqoon ku dhisan koorsadan kuugu baranaynaa habkii aad ilmahaaga ugu dhigi lahayd mid isku filaada.
Teaching children independence between the ages of 2–6 is essential. We guide them step-by-step through an organized and structured approach. Research shows that a child who learns independence at an early age performs far better later in life than one who is not taught or does not participate in household tasks. In this course, you will learn—based on proven, expert-backed methods—how to help your child become truly self-reliant.