Xalinta Khilaafka Qoyska

Adeegga Xalinta Khilaafka Qoyska.

Family Conflict Resolution Service.

Xalinta Khilaafka Qoyska waa shaqooyinka aan qabano oo khibrada iyo waayo-aragnimada u lee nahay. Sida aan wada og nahay waxaa bulshadeena soomaaliyeed ku soo badanay furiin aan macne weyn ku dhisnayn. Furiinku wuxuu badanaa khasaare iyo halaag ku yahay ubadka koraya. Waxaan badbaadinay qoysas badan oo furiin qarka u saarnaa.

Haddii dhibaato qoys ku haysato maanta nala soo xiriir hana ka warwareegin, insha Allah xal rasmi ah ayaan kuu horseedi doonaa.

Family Conflict Resolution is the work we do based on our experience and expertise. As we all know, in our Somali community, divorces have been increasing, often without much thought. Divorce usually causes harm and problems for growing children. We have helped save many families that were on the verge of divorce.


If you are having family problems today, contact us and do not hesitate. God willing, we will guide you to a proper solution.


Is Fahami waaga lamaanaha. Misunderstanding between partners

Inta dhibaatada qoyska waxay ka bilaabataa wax yar oo la isla fahmi waayo, waxaas ayaa weynaada oo noqdo hurgumo weyn oo ay adag tahay in laga wada hadlo. Is fahmi waaga badanaa waxaa keena kala duwanaanshaha labka iyo dhadiga oo aan isku si wax u arag.

Most family problems start from small misunderstandings. These small issues can grow and turn into big conflicts that are hard to discuss. Misunderstandings often happen because men and women see things differently.



Is Nicitaan iyo kala Dhuumasho. Hatred and Avoidance

Marxaladda is fahmi waaga waxaa ku xigta marxalad kale oo aad u adag oo ah in la is karahsado oo la kala dhuunto. Marxaladdan ayaa ah midda ay labada qof u baahdaan cid isu soo dhawayso. Marxaladdani waa tan ugu adag oo qoys uu galo, balse wali la gaari karo xal.

The stage after misunderstanding is a very difficult phase, where partners start to grow apart and avoid each other. At this stage, both people need someone to help bring them closer together. This is the most difficult stage a family can go through, but a solution can still be reached.



Is furitaan iyo kala Guur. Separation and Divorce

Marxaladdan marka uu galo qoysku waa marka uu burburo, ilmahana ay soo gaarto dhaawac iyo dhibaato xoog leh oo ay qarsadaan. Xataa marka furiinka iyo kala guurku dhaco, waa khalad in ilmaha labada waalid mid ka mid ah uu gooyo, sida aabayaasha soomaalidu ay sameeyaan. Waxaan qabanaa marxaladdan haddii aan qoyska la badbaadin karin in ilmaha labada waalidba ay wada koriyaan, ilmahana laga saaro dhaawaca gaaray.

When a family reaches this stage, it is when the family breaks apart, and the children suffer serious hidden harm. Even if separation or divorce happens, it is wrong for a father to leave the mother and children and never return, as sometimes happens. We handle this stage by making sure that, if the family cannot be saved, the children are raised by both parents and protected from the harm they have experienced.

Aragtideena & hadafkeena waa:

In aan soo saarno waalid Soomaali ah oo aqoon sare leh. Kuwaas oo soo saari kara ilmo Soomaali ah oo Muslim ah oo aad u caqli badan, naftiisa, waalidkiis iyo bulshadana anfaca oo wax u tara.
Waalidiin badan ayaa aad ugu farxsan caawimaadeena noloshoodana ay durba is badashay. Maanta ku soo biir guruubkeena.

Our Vision & Mission is:

To raise educated Somali parents who can bring up Somali Muslim children who are very intelligent, and who benefit themselves, their parents, and society.


Many parents are very happy with our help, and their lives have already started to change. Join our group today.

E-Maylkeena waa: info@barbaarintasan.com


Riix E-maylka. Click to Email