Barbaarintasan Academy B.S.A

Barbaarintasan Academy

Barbaarintasan Academy waa Mac-hadka ugu weyn ee lagu barto tarbiyadda caruurta.

Daawo Muuqaalkan.

Watch This Video.

Barbaarintasan Academy is the leading institute for learning child upbringing.

Muxuu Qabtaa Mac-hadka BarbaarintaSan Academy?

What Does BarbaarintaSan Academy Do?

BarbaarintaSan waa barnaamij bilowday 2020, kuna dhisan Diinta Islaamka iyo Aqoonta Casriga ah.
Shantii sano ee la soo dhaafay kumannaan waalidiin ah ayaa ka faa’iiday casharradeenna oo ku guulaystay inay soo saari karaan Ubad wanaagsan.
Waxaan duubnay in ka badan 500 saacadood oo maqal ah oo waalidiintu ka baran karaan BarbaarintaSan.
Hadda waxaan furnay bog cusub oo aan ku ballaarinayno koorsooyin casri ah oo waalidku wakhtiga u fudud iskood uga baran karaan.

BarbaarintaSan began in 2020 and is built on Islamic principles and modern parenting knowledge.
Over the past five years, thousands of parents have benefited from our lessons.
We have recorded more than 500 hours of audio content that parents can learn from through BarbaarintaSan.
We have now launched a new platform with modern courses that parents can study independently at their own pace.

Koorsooyin Gaar ah iyo Koorsooyin Guud

Special Courses and General Courses

Arag shaqooyinka ay qabatay Barbaarintasan Academy.

See the work carried out by BarbaarintaSan Academy.

Qoys Xasiloon oo Dagan, Sidaad ku Noqon lahayd Baro Maanta!

Learn today how to be come a Stable and Peaceful Family!

Si aad Qoys Xasilan oo Dagan u noqoto waxaad u baahan tahay aqoon. Waalidka Casharadeena qaatay ayaa fahmay isbadalka Qoyskoodi ku dhacay iyo Sida dhammaan Reerku u XASILAY!

To have a Stable and Peaceful Family, you need knowledge. Parents who took our lessons understood the changes in their family and how everyone became more Harmonious!

Hooyo waxbaranaysa, koorsadeena 0-6 Bilood jir ayaa kugu haboon haddaad hadda dhashay ama dhalayso. Adiga iyo ninkaaguba wada barta.

A learning mother—our 0-6 Months course is perfect if you have just given birth or are about to. Both you and your husband can learn together.

Waalid badan oo casharadeena qaatay ayaa aad ugu faraxsan, isbeddel weynna wuxuu ku dhacay qoysaskooda. Qaarkood aabayaashii ayaa xataa baraarugay oo u soo jeestay tarbiyadda caruurta inay bartaan. Waana arrin lagu farxo, aabe Soomaali ah oo doonaya inuu ilmihiisa si aqoon ku dhisan u tarbiyeeyo.

Many parents who have taken our lessons are very happy, and their families have experienced a big positive change. Some fathers have even become more aware and have turned their attention toward learning how to raise their children properly. It is truly inspiring to see a Somali father who wants to raise his child with knowledge and understanding.

Hooyo baraarugsan ilmaheedu uusan ku buuqayn, eeyarkeeda waxbaranaysa Barbaarintasan ayaa soo saari karta. Wakhtigii Baraha Bulshada kaalay, ubadkaaga u hibee oo wax nala baro.

An aware mother, ensuring her child does not misbehave while learning, can benefit from BarbaarintaSan. Come and dedicate time from social media to educate your children with us.

Kaliya hadalkeena ha aaminin, ee bal arag dadka casharadeena qaatay faaladooda (feedback) iyo siday noo arkaan!

Don’t just take our word for it—see the feedback from parents who took our lessons and how they view us!

Koorsooyinka loogu Jecel yahay, ee Hadda Socda:

Most Popular Courses Currently Running:

Saddexdan koorso ayaa hadda socda looguna jecel yahay ee ka qayb qaado oo yeeysan kaa buuxsamin:

These three courses are currently running and most popular—join now so you don’t miss out:

0-6 Billood Jir. Koorsada 1aad ee Nuunaha

Koorso Casri ah
$150
$ 95
  • Horumarka Bisha 1aad
  • Horumarka Bisha 2aad
  • Horumarka Bisha 3aad
  • Horumarka Bisha 4aad
  • Horumarka Bisha 5aad
  • Horumarka Bisha 6aad
  • Horumarka Bisha 6aad
  • Horumarka Bisha 6aad
  • Horumarka Bisha 6aad
  • Faahfaahinta ka Akhriso Booga Koorsooyinka Guud.

Ilmo Is-Dabira oo isku Filan (Koorso Gaar ah)

$150
$ 125
  • 1. Naftiisa Dabira
  • 2. Qolkiisa
  • 3. Caawinta Qoyska
  • Faahfaahinta ka akhriso boogga Ilmo Is-Dabira
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  
  •  

Xubin Dahabi ah waa habka ugu wanaagsan ee aad uga Faa'idi karto:

$ 114
/ Sanadkii. Bishiina waa 9.5 Doolar
  • Ka mid Noqo Xubnaha Dahabiga ah
  • Iska Bixi Bishii 9.5 Doolar kaliya
  • Waxaa kuu furmaya KOORSO KASTA oo aan bixino
  • Sanadka dhan koorsooyinkeena waa kuu FREE
  • Dhammaan agabka bogga ku jira waad waada arki oo qaadan casharadeena casirga ah.
  • Faahfaahinta ka Akhriso Boogga Xubin Dahabi ah.
  •  
  •  
  •  
  •  
DAHABI

Xubin Dahabi ah Sidee Ku Noqon Karaa?

How Can I Become a Gold Member?

Su'aalaha Badaanaa Nala Soo Weydiiyo?

Frequently Asked Questions?


Talada ugu wanaagsan ee aan ku siinayaa waa inaad ka mid noqoto Xubnaheena Dahabiga ah, kuwaas oo ah kuwo shaqada Ustaadka hayo taageersan, diyaarna la ah inay kala shaqeeyaan. Waxaad bixin xubnimada Sanad laha ah oo ah bishii 9.5 Doolar kaliya, Sanadkiina ah 12 bilood oo min 9.5 Doolar ah 114 Doolar. Markaas waxaa laguu furayaa dhammaan KOORSOOYINKA oo dhan, lacag dheeri ahna lagaama qaadayo. Koorso kasta waa kuu furan tahay.
Waxaa intaasi dheer dhammaan barnaamijyadeena tooska ah ama “LIVE” waad qayb geli. Habkaas ayaa ah habka ugu raqiisan oo ugu fudud. Hadaba dooro Linkiga Xubinta Dahabiga ah.


The best advice I can give you is to join our Golden Members, who support the work that the teacher is doing and are ready to collaborate. You will pay an annual membership of only $9.5 per month, which totals $114 for 12 months. Then all COURSES will be opened for you with no additional fees at all. Every course becomes fully accessible to you.
In addition, you can participate in all our live programs. This is the easiest and most affordable method. Now please select the Golden Membership link.

Koorso Guud waxaan ula jeednaa. Koorsooyinkeena waa laba nooc: Koorso Gaar ah iyo Koorso Guud. Koorso Guud waa Koorso ku xiran da’da ilamaha, waxaana kuu diyaarinaysaa 5 koorso oo ay ugu horayso ilmaha marka uu dhasho ilaa uu lix bilood ka gaarayo.
Koorsada Guud waxaad ku baranaysaa wax kasta oo la xiriira da’da ilmahaas bil kasta. Waa koorsooyin balaaran oo diiradda la saarayo ilmahaaga wuxuu u baahan yahay bil kasta, waxa laga rabo inuu yaqaan iyo sidii aad uga dhigi lahayd ilmo ka caqli badan caruurta da’diisa ah.
Koorso Guud waxaa ka mid ah Koorsada 1aad ee Nuunaha 0-6 Bilood jirka ah. Taas ayaa hadda diyaar ah. Kuwa kalena dhawaan ayaan soo gelin doonaa ilaa iyo 7 Sano jirka.

By General Course we mean: our courses are of two types: Special Courses and General Courses. A General Course depends on the age of the child, and it is prepared for you as 5 courses, starting from when the child is born up to six months old.
In a General Course, you will learn everything related to the child’s age each month. These are extensive courses focusing on what your child needs each month, what is expected of them, and how to make them more intelligent than other children of the same age.
The General Course includes the 1st Course for Babies aged 0-6 months. This is currently available, and the others will be added soon up to 7 years old.

Koorso Gaar ah waxaan uga jeednaa koorsooyin khaas ah oo aan sanad kasta dhowr jeer qabanno.
Koorsooyinkan waxaa lagu bartaa hal mowduuc oo gaar ah oo si qoto dheer loo galo.

Waxay diiradda saaraan arrimo sida:
✔ Baridda ilmahaaga is-dabirka ama isku filaanshaha
✔ Koorsada “Sidee ilma dhagaha adag oo aan waalidkii dhagaysan hadalkooda looga dhigaa mid baari ah, wax maqla, hadalka waalidkana yeela”

Koorsooyinkan waa kuwo gaar ah oo aad ku baranayso xirfado ama arrimo khaas ah,
oo ay ka mid yihiin xalinta caqabado ilmaha kaa haysta.

Mana aha in koorsadu mar walba ku saabsan tahay xallinta dhibaato oo keliya —
waxaa sidoo kale ka mid ah koorsada “Sidee Ilmahayga uga dhigaa mid Caqli Sare leh.”

A Special Course refers to exclusive courses that we offer several times throughout the year.
These courses focus deeply on one specific topic.

They cover areas such as:
✔ Teaching your child self-discipline or independence
✔ A course on “How to help a child who does not listen to parents become obedient, respectful, and responsive to their guidance”

These courses are unique and allow you to learn specific skills or tackle particular challenges
you face with your child.

And they are not always about solving problems —
they also include courses such as “How to Develop a Highly Intelligent Child.”

Koorso kasta mudada ay soconayso way ku qoran tahay. Koorsooyinka Guud ee ku saabsan Horumarinta da’da ilmaha iyaga mudo dheer ayeey kuu furnaan doonaan. Wayna ku qoran tahay mudada aad haysato oo koorsada baran karto.

The duration of each course is specified. General Courses related to child age development will remain accessible for a long period. The allowed time to study the course is also indicated.

Haa, waxaa jira wakhtiyo aan soo galno si toos ah (Live), waxaana isticmaalaa, Google Meeting ama Zoom, waana laguu sharaxi isticmaalkooda. Marka aan soo galno ayaa wixii aadan fahmin iyo ka badanba laguu sharxi, lagaana waraysan halka koorsada kuu marayso.

Yes, there are scheduled live sessions, and we use Google Meet or Zoom, and their usage will be explained to you. During these sessions, anything you do not understand or more will be explained, and your course progress will be reviewed.

Haa, Qofka koorsada ku dhex qaadanaya boggaan Barbaarintasan waa la caawin waana lala socon, oo mararka qaarkood waxaan soo galayaa barnaamijyo toos ah oo aan waalidiinta ku waraysanayo. Barnaamijyadaas Live-ka ah ayaa wixii uusan fahmin loogu sharaxayaa.

Yes, anyone taking the course here on Barbaarintasan will receive guidance and support, and we closely follow their progress. At times, I also host live sessions where I speak directly with parents. During these Live programs, anything they do not understand is explained in detail.

Waxaan Diyaar u ahay inaan kaa caawiyo wax kasta oo ku saabsan Koorsooyinka aan Bixino. Fariin ii dhaaf, degdeg ayaan kuugu soo jawaabi Insha Allah.

I am ready to help you with anything related to the courses we offer. Leave me a message, and I will reply to you promptly, Insha Allah.

Nala Soo Xiriir

Waxaad naga soo Wici kartaa

Shacni Muuse


 

Emayl toos ahna waad noo doo diri kartaa

info@barbaarintasan.com
barbaarintasan@gmail.com

Ha ka xishoon inaad nala soo xiriirto oo na waydiiso waxa aadan fahmin ama doonayso inaad ogaato. Mar kasta gacmo furan ayaan kugu soo dhawaynaynaan.