Koorso Lacag La’aan ah (Arag Koorsooyinkaan casriga ah)

Sidee Hadalka loo Baraa Nuunaha?

 

Sidaan horay usoo sheegnay Nuunaha waxaa muhiim ah inaad la hadasho oo wax kasta u sheegto, sida inaad dhahdo: naaska ayaan ku siinayaa, xafaayada ayaan kaa badalayaa, waan kuu qubaynayaa, waad seexanaysaa, aabe ayaa yimid oo ku salaamayaa ee ma kuu geeyaa. Ula hadal sidii qof ku fahmaya. Sababta oo ah wuu ku fahmi doonaa.

Hadalkaagu waa inuu fasiix yahay. Adiga shaqadaada waa inaad ula hadasho sidii qof weyn. Hadalku wuxuu kow ka yahay caqligeena iyo garashadeena, sidaas aawadeed waa muhiim in labada waalidba aad iyo aad ula hadlaan nuunaha wakhti kasta oo uu soo jeedo. Hadalka ayaa ah waxa kowaad ee maskaxdeenu ay ku weynaato oo ku kobacdo.

Waa in aad wax kasta oo uu eego u sheegto magacooda, adiga oo waliba ugu celcelinaya. Tusaale ahaan haddii uu eego hafaayadda aad u xirayso, waa inaad u sheegto magaceeda oo waliba si fasiix ah ugu sheegto. Ku dheh: “Xafaayad, Xafaayad, Xafaayad. (Sadex jeer iyo waliba ka badan ugu celceli, adiga oo eegaya indhihiisa. Sidoo kale waa inuu arkaya sida tartiibta ah ee aad afkaaga u dhaqdhaqajinayso. 

Waad arki doontaa bilba bisha ay ka dambayso wuxuu jeclaanayaa waalidka hadalkood, taas waxay caddayn u tahay inuu bilaha u horeeyaba bilaabay inuu ku fahmo. Xataa waxaad ku arki doontaa in sidii uu caadi ku fahmayo uu marmarka qaarkood kuu dhoola cadeeyo.

Waxaan hubaa haddii aad casharadii Bishii kowaad si wanaagsan usoo dabakhday in nuunahaagu bisha labaad isbadal weyn samayn doono. Waad arki doontaa marka aad koorsadan lixda bilood ah dhamayso, oo nuunahaaga uu jiro lix bilood, marka aad kor u qaado oo ku dhahdo nalka demi, inuu eegi doono halka nalka laga damiyo. Maadaaba aad mar kasta oo aad qolka ka baxayso oo nalka daminayso aad ku oran jirtay nalka dami. Erayga iyo ficilkaas wada socda ayaa maskaxdiisa toos ugu qormaya. Waad i fahamtay ayaan u malaynayaa.

Waxaan aan kaala hadlayo waa wax aan tijaabinay oo aragnay. Waalid badan oo soomaali ma rumaysanayaan in ilmo lix bilood jiray uu hadalka fahmi karo. La hadal oo la hadal adiga hana ka daalin. Adiga ayaa yaabi doona. Ilmaha soomaalida waxaan ogaaday inay yihiin ilmaha Aduunka ugu caqliga badan. Hase ahaatee waxaan ka hagranay barbaarinsan. Wax kasta u sheeg, waxa aad qabanayso oo dhan u sheeg. Xataa hadaad qolka ka baxayso u sheeg, inaad baxayso oo soo laabanayso. Taas waxay kuu sahli doontaa inuusan hadhow marka aad ka baxdo inta naxo oo cabsado kugu ooyin. Marka aad bilaha u horeeya soo bartay, in waxa aad ku dhahdo ay sidii aad u tiri u dhacayaan wuxuu kugu qaadayaa kalsooni weyn, mana kugu ooyi doono. Maadaama uu og yahay inaad usoo laabanayso, uuna fahmayo hadalkaa. Ilmaha ma aha sida aad moodayso. Ilaahay wuxuu siiyey caqli balaaran oo u baahan in aqoon iyo garasho laga buuxiyo.