Koorso Lacag La’aan ah (Arag Koorsooyinkaan casriga ah)

Waalidnimada iyo Doorka Aabaha iyo Hooyada:

Waalid waxaa la dhahaa qof ilmo dhalay oo farcamay. Qof kasta oo jid xalaal ah inta guursado ilmo dhala waa waalid noqonaya Aabe ama Hooyo. Waalidnimadu waa wax ku yimaada inaad taranto oo Ilaahay ilmo ku siiyo. Hase ahaatee taas kaliya kaama dhigayso waalid dhab ah ee waa inuu jiro inaad qaadato oo yeelato door aabanimo ama hooyanimo.

Doorkaas wuxuu ku imaan karaa laba siyood oo kali: Kow. Inaad yaraantaadi soo baratay oo waalidkii ku dhalay uu lahaa aqoonta waalidnimada, ka dibna aad dhaqan ahaan uga soo qaadatay inaad noqoto waalid sax ah. Laba. Inaad aqoon ahaan u barato oo ka leexato qaabkii aan saxda ahayn ee waalidkaa kuu soo koriyey aadna qaadato dariiq waalidnimo oo ku dhisan aqoon diin iyo maadiba leh.

Waalidnimada aan halkan kugu baraynaa waa mid ku dhisan aqoon, taas oo ku baraysa doorkaaga hooyanimo iyo kan aabanimo. Koorsooyinkeena waxaad ku baran inaad noqoto waalidkii saxda ahaa ee Aduun iyo Aakhiraba liibaana, soona saara ilmo akhlaaq diineed leh oo aad iyo aad u caqli badan. Hadaba doorka waalidnimadu wuxuu kaaga baahan yahay dulqaad aad u fara badan, sidoo kale wuxuu kaaga baahan yahay inaad ka tagto wax badan oo khaldan oo aad soo baratay markii aad yarayd. Qof kastaa marka uu yar yahay ee waalidkiis korinayo wuxuu soo bartaa doorka waalidnimada, oo waxaa maskaxdiisu ay duubaysaa qaabka uu waalidkiis u korinayo. Hadhow marka uu waalid noqdana wuxuu ilmihiisa ula dhaqmaa ama u koriyaa qaabkii uu waalidkiis usoo koriyey. Tusaale ahaan haddii uu waalidkaa aaminsanaa in dilitaanka iyo canaantu ay ka mid yihiin habka wax loo barbaariyo adiguna hadhow isla sidaas ayaad isticmaali doontaa.

Haddaba koorsooyinkeenan waxaan ugu talogalnay inaad ka tagto dhammaan waxyaalihii khaldanaa ee aad soo baratay, sida dilitaanka, canaanta, qaylada, habaarka, cabsi-gelinta, been-usheegista iyo cayda.

Ujeedkeena wuxuu yahay inaad isticmaasho farsamooyin kuwaas ka duwan oo aqoon ku dhisan. Waxa aan doonaynaa inaad ilmahaaga u barbaariso qaab waafaqsan Shareecadda Islaamka, adiga oo aan samaynayn wax xadgudub ah. Tusaale ahaan in ilmaha been loo sheego, Nebigeeni Salalaahu Caleyhi Wasalam wuu xarimay oo diiday. Wuxuu maalin maalmaha ka mid ah isaga oo oo booqanaya guri ay lee dahay Gabar Saaxibayad ah Allaha ka raali noqdee ku yiri: Ka dib markii uu arkay iayada oo ilmo yar oo ay dhashay ugu yeeraysa inay siiso timir, si marka uu timirta qaado is dhaho ay u qabato, ku yiri: Haddii uu kuu yimaado ma siinaysaa timirta. Waxa ay saxaaniyadu ugu jawaabtay Haa Yaa Rasuulahaa waan siinayaa. Wuxuu ku yiri Rasuulku Nabadgalyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee, haddii aadan siin lahayn waxaa Ilaahay agtiisa laguu qori lahaa inaad Beenaleey tahay. Xadiiskaas wuxuu xarimayaa dhaqan waalidiin badan oo Soomaali ah ay isticmaalaan oo ah ”Mihinta” inta ilmaha wax loogu yeero ka dib aan wixii la siin oo la qabto. Arintaas oo beenta hoos imaanaysa.

Waalidka saxda ah wuxuu lee yahay sifaad lagu aqoonsado. Waxaana kow ka ah wuxuu lee yahay dulqaad, kamana sugo ilmaha yar ee caqliga korayaa lihi inuu isaga u dulqaato, isaga waalidka, ee waa waalid ogsoon in marka hore isaga laga rabo dulaqaadka. Sidoo kale waa walid aan marna ilmihiisa u xanaaqqin. Inuu u xanaaqqo iskaba daaye wuxuu awood u lee yahay inuu ilmaha yar ka qariyo caradiisa. Waalidka saxda ah waa kan ilmaha og inuu kala barayo saxda iyo khaldka. Waalid ilmaha toosiya una sheega waxa saxda ah, waa waalid ilmaha dhiirigeliya, dugaal iyo amni badqab leh siiya. Mar kastana u heelan danta ilmaha yar.  Waa waalid si aqooni ku dhisan tahay u hogaamiya ilmihiisa, ixtiraam u muujiya oo dhagaysta mar kasta. Waa walid ku dadaal inuu baro wax kasta oo ilmihiisa uu doonayo inuu barto.

Koorsooyinkan waxa aad ku baranaysaa in waxyaalo badan oo dhaqankeena barbaarinta ku jira aad ka leexato, aadna qaadato nidaamyo wanaagsan oo sax ah, diinteenana waafaqsan.

Waalidnimadu ma aha shaqo fudud ee waa shaqo u baahan dhabar adayg, aqoon iyo garasho aad u xeel dheer. Qof kasta oo wax dhalaana iskiis isagama noqon koro waalidkii saxda ahaa. Sida uu u jiro ilmo waalid caasi ah ayaa waxaa iyana jira waalid walad caasi ah.

Ku soo dhawoow koorsadeena ilamaha marka uu calool-galo ilaa uu ka gaarayo lix bilood.

Koorsadan waxaad ku baran doontaa arimaha asaasi ah oo aad muhiim u ah iyo arimo si qoto dheer loo sharaxayo. Cahsarada soo socdaa waxay si gaar ah u kala dhigi doonaan doorka aabaha iyo kan hooyada.

Aad ayaad u mahadsan tahay!